Soomaaliyeey toosoo

Chorus:
Soomaaliyeey toosoo,
Toosoo isku tiirsadayee,
Hadba kiinna taagdaranee,
Taageera waligiinee.

1. Idinkaa isu tookhaayoo,
Idinkaa isu taamaayee,
Adamuhu tacliin barayoo,
Waddankiisa taamyeel.

Chorus

2. Sharcigaa isku kiin tolayoo,
Luqadaa tu waaxid ahoo,
Arligiinnaa taaka ahoo,
Kuma kala tageysaan.

Chorus

3. Tuldo geel ah oo dhacan,
Baad toogasho u badheedhaane,
Ma dhulkaas dhan ee tegey baan,
Ninna dhagax u tuurayn.

Chorus

4. Tiro ari ah oo dhaxalaa,
Sideed laydin soo tubayoo,
Nimba toban la meel marayoo,
Cadowgiin idiin talin.

Chorus

5. Qaran aan hubkuu tumayo,
Toorreyda dhaafayn,
Oo aan taar samayn karin,
Uurkutaallo weynaa.

Chorus

6. Marba waxaan la taahaayoo,
Togagga uga qayshaa,
Nin dalkiisii cadow taaboo,
U tol waayey baan ahay.

Chorus

‹ back to Africa